Baro
Runta oo dhan
1. Quduusnimada Ilaah
Ilaaha Qaadirka ahi waa Quduus wax walba Usagaa abuuray.
2. Dembiga aadanaha
Aadanaha waxaa loo abuuray inay Ilaah caabudaan oo addeecaan, laakiin dhammaanteen waynu ku dembaabnay Ilaah oo ka gaabinay ammaantiisa.(Rooma 3:23) Dembigu maaha oo keliya ficillada jidhka ee sidoo kale waa damacyada qalbiyadeenna ku jira. Islaamku wuu qirayaa dembiga.Laakiin wuxuu barayaa dadka in camalka wanaagsani uu ka miisaan badnaan karo camalka xun sidaasna aad jannada ku galaysid.Si kastaba ha ahaatee, Tawrat, Sabuur iyo Injiil waxay ina barayaan in hal dembi inaga soocay Ilaaha quduuska ah, oo camalkeena xaqa ahi waa sida dhar wasakh oo kale Ilaah hortiisa.(Ishacyaah 64:6, Yacquub 2:10).
3. Baahida loo qabo Badbaadiye xaq ah
Waxbaridda Islaamka, Ilaah dembiyada wuu cafiyi karaa ciqaab la,aan,laakiin cafiskiisu waxba kuma salaysna. Waxbaridda Masiixiyadda,caddaaladda Ilaah iyo naxariista Ilaah waxay ku kulmaan iskutallaabta.Maxaa yeelay, Ilaah waa caadil,iska ma indho tiri karo dembiga waa inuu ciqaabo.Wuu inoo naxariistay, wuxuu bixiyay allabari kaamil ah: kaas oo ah Yeshuuca Masiix. Isagaa u qalma inuu ina badbaadiyo.
4. Yeshuuca Masiixa: waa beddelkeena...
Baybalku wuxuu ina barayaa Yeshuucu inuu ka dhashay gabadh bikrad ah,oo noolaa nolol bilaa dembiya,oo iskutallaabta dusheeda ku dhintay si uu madaxfur ugu noqdo dembiyada dadkiisa (2 Korintos 5:21, Matayos 20:28). Si ka duwan nebiyada kale,Yeshuucu waligiis ma dembaabin.Noloshiisa kaamilka ah iyo dhimashadiisa allabari ahaanta ah waa magdhowga kaliya ee bixin kara dembiyadeenna.
5. Sarakicidda: Guusha Dhimashada
Guusha uu ka gaadhay dhimashada. Yeshuuca kuma nagaan qabriga.Wuxu ka sara kacay kuwii dhintay maalintii saddexaad,isagoo caddaynaya guushii uu ka gaadhay dembiga iyo dhimashada (1 Korintos 15:3-4).Sarakiciddu waa innoo muhiim sababtoo ah waxay xaqiijinaysaa in allabarigii Masiixa uu Ilaah aqbalay iyo in kuwa isaga isku halleeyaa ay heli doonaan jannada daa'imka ah.Islaamku wuu diiday iskutallaabta,laakiin taariikh ahaan iyo kitaabiyan,waa aasaaska badbaadadeena.
6. Badbaadadu waa nimco lagu helo rumaysad oo keliya
Injiilku inama barayo in Ilaah ku farxo camal wanaagsan.Injiilku wuxuu ku saabsan yahay hadiyadda badbaadada ee lagu helo rumaysadka Yeshuuca Masiix. (Efesos 2:8-9). Tawbada iyo rumaysadku way wada socdaan—waa in aynu ka soo wada jeesano dembiyadeenna iyo isku hallenyta xaqnimadeenna oo aynu ku kalsoonaano Yeshuucu inuu yahay Rabbigeenna iyo Badbaadiyaheenna(Markos 1:15).
7. Ku baaqidda towbadkeenka iyo rumaynta Yeshuuca Ilaah
Ilaah wuxuu dadka oo dhan (xitaa Muslimiinta) ugu yeedhay inay toobad keenaan oo ay rumaystaan masiixa badbaadiyaha ah (Falimaha Rasuullada 17:30-31).Sida Yeshuucu yidhi: "Waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha... Ninna Aabbaha uma yimaado inuu ii soo maro mooyee." (Yooxaana 14:6).