Waa maxay Injiilku
Waa kuma Ilaah?
Kutubta Tawrat, Zabuur iyo Injiil ayaa ina baraya inuu jiro hal Ilaah. Isagu waa Quduus,xaq iyo caadil raxmadeed.(Ishacyaah 6:3, Sharciga Kunoqoshadiisa 6:4). Isagu waa Abuuraha makhluuqa oo dhan u taliya.
Sidoo kale, Kitaabka Baybalka ayaa ina bara Ilaah inuu yahay Quduus aan dembiga iska indho tiri karin.Waa inuu dembiga xukumo caadaladiisa daraadeed.
Yaan Nahay?
Ilaahay wuxuu aadanaha ka abuuray Suuradiisa.(Bilowgii 1:26).Laakiin dhammaanteen waynu ku dembaabnay Ilaah (Rooma 3:23). Dembigu ma ahayn falkeenii xumaa oo kaliya, laakiin waa caasinimo innaga soocday Ilaah. Dembigu wuxuu keenaa dhimasho (Rooma 6:23) iyo xukun daa’im ah.Qofna dembigiisa kama saari karo camal wanaagsani, sababtoo ah caddaalada Ilaah waa kaamil.Xitaa camalkeena ugu wanaagsan waa sida ma maro wasakh ah oo kale Ilaaha Quduuska ah hortiisa. (Ishacyaah 64:6)
Kutubta Tawrat, Sabuur iyo Injiil ayaa ina baraya inuu hal dembi inna gayn karo naarta.
Waa Maxay Injiilku?
Injiil macnihiisu waa warka wanaagsan.Ilaah jacaylkiisa weyn daraadeed, wuxuu sameeyay jid dembi dhaaf lagu helo xagga Yeshuuca Masiix.
Yeshuuca Masiix ma ahayn nebi oo keliya. Isagu waa Erayga Ilaaha daa’imka ah oo jidh qaatay oo dunida yimid. (Yooxaana 1:1, 14)
Wuxu noolaa nolol quduusa oo bilaa dembiya. (1 Butros 2:22)
Doonistiisa ayuu iskutallabta dusheeda ugu dhintay si uu dembilayaasha u furto. (Ishacyaah53:5-6)
Maalintii saddeexaad wuxuu ka sarakacay kuwii dhintay, oo sidan ayuu inoogu cadeeyay guushiisa. (1 Korintos 15:3-4).
Iskutallabta dusheeda, Yeshuucu wuxuu qaatay ciqaabtii aan mutaysannay. Isaga rumaysadkiisa ayaan ku helnay xaqnimada ilaah. (Rooma 3:25-26).
Masiixa Ilaah wuxuu bixiyaa dembi dhaaf buuxa iyo nolosha weligeed ah.
Sidee baa laynoo badbaadin karaa?
Tawrat, Sabuur iyo injiil ayaa ina baraya in badbaadada Ilaah tahay hadiyad bilaasha oo ka timid xagga Ilaah. Qofna kuma heli karo camal wanaagsan.Laakiin hadiyada nolosha weligeeda waxa lagu helaa rumaysadka Yeshuuca. (Efesos 2:8-9). Waa inaad ka tagtid dembigaaga iyo isku hallaynta camalkaaga wanaasgan, oo waa inaad u rumaysatid Yeshuuca Masiix badbaadiyaha naftaada. (Falimaha 16:31)