Waa maxay Injiilku?
Injiilku waa warka wanaagsan ee ku saabsan Yeshuuca Masiix. Ilaaha Qaadirka ah ayaa jidh noqday si uu sharciga u dhammaystiro innaga daraadeen, kadibna wuxuu ku dhintay iskutallabta dusheeda si uu dembiyadeena kafaarogud ugu noqdo. Maalintii sadeexaad ayuu ka sarakacay kuwii dhintay, wuxuu ka adkaaday dembi iyo dhimashada.
Badbaadadu waxay ku timaada rumaysadka Yeshuuca Masiix oo keliya. Ilaah wuxuu kuugu yeedhayaa inaad u soo jeedsato oo aad rumaysatid Rabbi Yeshuuca Masiix hadiyada nolosha weligeed ah.


Tawreed, Sabuur iyo Injiil waxay ina barayaan in qiimaha dembi dhaafku uu qaali yahay. Bilasha maaha. Waa maxay qiimaha dembidhaafka? Waa maxay bixinta dembiyadayada?
Yeshuuca wuxuu baray masaalkan naxdinta leh kuwii u maleeyay inay xaq ku yihiin Ilaah hortiisa.
Wadahadal lala yeesho Aamin
Camallada wanaagsan miyey i badbaadin karaan? Ibraahim iyo Aamin oo ka hadlaya su'aashan muhiimka ah
Muslimiintu waxay yiraahdeen tawbaddu waxay ka saartaa dembiga Ilaah hortiisa, laakiin tani ma waxay dhaheen Tawreed, Sabuurrada iyo Injiil?
Yeshuucu waa qofka loogu muranka badan yahay taariikhda. Qaar baa leh waa macallin wanaagsan, qaarna waxay leeyihiin waa nebi, qaarna waxay aaminsan yihiin inuu Ilaah yahay. Laakiin Yeshuuca laftiisa muxuu yidhi?
Baahida ugu wayn ee Aadanuhu waa la heshiinta Ilaah. Laakiin sidee qof dembiile ahu u la heshiin karaa Ilaahay?